Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu danbeeyay Al-shabaab oo weeraro ka geysatay Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa weeraro is xigxigay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Mgaalada Muqdisho, waxaana weerarka koowaad lagu qaaday  dhismaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar loo adeegsaday madaafiic ku qaaday Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda, kadibna waxaa xigay rasaas xoogan oo laga maqlay dhanka xerada Guulwadayaasha ee magaalada Muqdisho.

Dhawaqa madaafiicda ayaa laga maqlayey qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir iyo meelo kale oo kamid ah duleedka Muqdisho, ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weeraradii ka dhacay Muqdisho.

Saraakiisha Ciidanka dowladda ayaa sheegay in aysan jirin khasaaro ka dhashay weerarka shabaab ku qaaday xerada Guulwadayaasha iyo Wasaaradda Gaashaandhiiga Xukuumadda Federaalka, isla markaana xaaladda Magaalada ay tahay mid degan.

Ammaana Magaalada Muqdisho ayaa u muuqda mid faraha kasii baxaya, waxaana maalmihii dambe Al-shabaab ay kordhisay falalka amni darro sida dalal qorsheysan, qaraxyada iyo madaafiicda, xilli horey qeylo-dhaan looga muujiyey burcad dadka disha.

Exit mobile version