Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu danbeeyay Al-Shabaab oo weeraray degaan ku dhow Baydhabo

Dagaal u dhexeeyay ciidanka dowladda Federaalka, kuwa daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa waxa uu Maanta ka dhacay deegaanka Goofgaduud buurey oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Dagaalka ayaa markii hore ka bilowday weerar ay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin Goofgaduud, waxaana halkaasi ka dhacay saacado kooban socday.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Shabaabka ay deegaanka soo weerareen, isla markaana la iska caabiyay, iyagoona intaas kusii daray in xaalada ay tahay mid dagan.

Goofgaduud Buureey ee Gobolka Baaay ayaa ka mid deegaanada Istaraatiijiga ah ee laga ilaaliyo amniga magaalada Baydhabo oo Maamulka Koonfur Galbeed ay u tahay xarun ku meel gaar ah.

Dhawaan ayay ahayd markii Al-Shabaab ay la wareegtay gacan ku heynta deegaankaas oo ay muddo kooban haysatay, isla markaana ay dib ula wareegeen deegaanka ciidamada Militariga Dawlada Federaalka iyo kuwa Koofur galbeed.

Exit mobile version