Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu danbeeyay Al-Shabaab oo Weerar xoogan ku qaaday Saldhig Ciidan

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday saldhig ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Geedweyne, ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Weerarka qaraxyada lagu qaaday saldhiga ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo banaanka iyo gudaha saldhiga ku dhexmaray ciidamada halkaasi joogay iyo Shabaabka weerarka soo qaaday, isla markaana waxaa xilligaas aad loo maqlayay dhawaqa rasaas xoog leh.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in weerarka uu ka dhashay khasaaro ka duwan, inkastoo aysan jirin cid xaqiijin karta khasaaraha rasmiga ah ee jira, maadaama xilliga uu weerarka dhacaayay ay aheyd habeen, sidoo kalena ma jiro weli wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda ee Gedo ku sugan.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weeraro ku bilowday qaraxyo ku qaaday saldhigyo ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta dowlad Goboleedka Jubbaland ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Dhinaca kale howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa ka socda deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose oo ay wadaan ciidamada Jubbaland iyo kuwa Milateriga dowladda Federaalka.

Exit mobile version