Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu danbeeyay Al-Shabaab oo Muqdisho ka fulisay Weerar khasaaro dhaliyay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska horimaad xalay ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadda Cali Turcaaye ee degmada Yaaqshiid, kaasi oo dhexmaray ciidanka Boolis Milataaro iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa waxa ay kusoo warrameen in iska horimaadka dhexmaray ciidamada ammaanka iyo Shabaabka uu dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aysan weli ka hadlin laamaha amniga dowladda.

Inta la xaqiijiyay illaa lix Askari oo ka tirsanaa kuwa ammaanka ayaa ku dhintay weerar gaadmo ah oo xubno ka tirsan Al-Shabaab kusoo qaadeen fariisimo ciidanka Boolis Milataaro ku leeyihiin xaafada Cali Turcaaye ee degmada Yaaqshiid, kadibna uu dhacay iska horimaad.

Sidoo kale wararka ayaa intaas kusii daraya inay jiraan Askar kale oo dhaawacantay, waxaana markii dambe goobta ka baxsaday raggii weerarka soo qaaday, weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda oo ay uga hadlayaan weerarkaasi khasaaraha geystay.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Muqdisho ka dhacaayay falal amni daro oo isugu jiray qaraxyo iyo dilal qorsheysan, waxaana ugu danbeeyay Qaraxii is-miidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay xerada Jaale siyaad ee Muqdisho, halkaas oo lagu xasuuqay ciidamo farabadan oo ka tirsanaa guutada 14-ka Octoober ee ciidanka xoogga.

Exit mobile version