Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu danbeeyay Al-Shabaab oo Dilal hor leh ka bilowday Muqdisho

Kooxo hubeysan oo watay Bastoolado ayaa saacadihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Yaaqshiid ku dilay Rag ka ganacsan jiray maandooriyaha, kadib markii dableyda hubeysan ay weerareen halkaas.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in falka lagu dilay raggaas uu ka dhacay isgoyska farax, waxaana laba Nin ee la toogtay mid kamid ah lagu magacaabi jiray Cabdiqaadir Carab, kuwaasi oo iibin jiray waxyaabaha maanka dooriya.

Sidoo kale rasaasta lagu furay labada Ninka ayaa waxaa uu dhaawac kasoo gaaray laba qof kale oo iyaguna dhallinyaro ahaa, isla markaana tegi jiray goobta la weeraray oo aheyd goob aad loogu isticmaalo maandooriyaha, Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada dilalkaas.

Waa howlgalkii labaad oo Al-Shabaab ka fulineyo magaalada Muqdisho, iyada oo shalay shaacisay in Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka magaalada ay ku dishay mid kamid ah horjoogayaashii kooxda burcada ah ee loo yaqaan ciyaal-weerada.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhawaan ku u dhawaaqday in howlgal nooc cusub ah oo ay ku beegsaneyso kooxaha ka ganacsada maandooriyaha iyo ciyaal weerarada ay ka bilaabi doonto magaalada Muqdisho, iyada oo sheegtay inay soo gaartay cabashada shacabka.

Exit mobile version