Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu dambeeyay Muwaadiniin Soomaali ah oo Dil iyo dhaawac loo geystay

Muwaadiniin Soomaali ah oo goobo Ganacsi ku lahaa dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa xalay lagu dilay Magaalada Cape Town ee dalkaas, kadib markii burcad hubeysan oo Koonfur Afrikaan ah ay weerar ku qaadeen goobo Ganacsi.

Cabdirashiid Axmed Shiiq Muxudiin iyo Mowliid Axmed Cadde, ayaa ku dhintay Weerarkii ay Burcadda hubaysan ku qaadeen Labo dukaan oo iskasoo horjeeda oo ay Ganacsato Soomaaliyeed lahaayeen, kuwaasi oo ku yaalla Tuulada Strand.

Saddex Muwaadin kale oo Soomaali ah , iyaguna ku dhaawacmay weerarka ayaa ayaa durbadii loola cararay Isbitaalo ku yaalla Magaalada Cape Town oo xaaladdooda Caafimaad lagu dabiibayo.

Gudoomiyaha jaaliyadda Soomaalida Amiir Sheikh ayaa cambaareeyay weerarka khasaaraha nafeed geeystay oo ay burcada hubeeysan ku qaadeen dukaamaha ay lahayeen ganacsatada soomaalida ah.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa inta badan lagu dhibaateeyaa Ganacsatada Soomaalida ah, waxaana todobaadkii hore ka dhacay dalkaas dil  loo geystay Dhalinyaro Soomaali ah oo goobo Ganacsi ku lahaa dalkaas.

Exit mobile version