Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu dambeeyay Koox hubeysan oo Dil ka fulisay Magaalada Muqdisho

Koox hubeysan ayaa habeenkii xalay aheyd agagaarka Isbitaalka Keysaney ee waqooyiga Magaalada Muqdisho ku dilay Wiil dhalinyaro ah iyo Darawal la sheegay inuu wadi ka ahaan jiray gaari nuuca qashinka lagu qaado…

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in rag hubeysan ay toogasho ku dileen Wiilka dhalinyarada ahaa iyo Darawalka, xili ay ku sugnaayeen meel ku dhow Isbitaalka Keysaney, iyagoo u geeriyooday rasaas lagu furay.

Goobta uu falku ka dhacay ayaa waxaa daqiiqado kadib tegay xubno ka tirsan qoysaska labada ruux ee la dilay, isla markaana halkaas ka qaaday Meydadka, waxaana halkaas isaga baxsaday raggii ka dambeeyay falkaas dhacay..

Lama oga sababta keentay dilka xalay ka dhacay agagaarka Isbitaalka Keysaney ee waqooyiga Magaalada Muqdisho, hayeeshee dilkaas ayaa kamid noqonaya falal hore uga dhacay Muqdisho oo loo geystay dad shacab ahaa..

Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto Mas’uuliyiin, Askar Ciidan iyo dad shacab ah, waxaana inta badan falalkaas fuliya rag dhalinyaro oo ku hubeysan Bastoolado.

Exit mobile version