Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu dambeeyay Khasaaraha ka dhashay Qaraxii gilgilay Magaalada Basra

Ugu yaraan afar qof ayaa dhintay 20 kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii qarax uu ka dhacay bartamaha magaalada Basra ee koonfurta Dalka Ciraaq.

Guddoomiyaha degmada Basra, Asaad Al-Iidaani oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxaasi ay sababtay mooto laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Qaraxaasi oo ka dhacay kasoo horjeedka isbitaalka al-Jumhuuri ee bartamaha magaalada Basra,ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.

Qaraxyada ayaa naadir ku ahaa magaalada Basra sanadihii ugu dambeeyay, gaar ahaan tan iyo markii laga adkaaday kooxda Daacish sanadkii 2017-kii.

Exit mobile version