Site icon HORUFADHI MEDIA |

Faah faahin:-Israsaaseyn khasaaro dhalisay oo ka dhacday Magaalada Garoowe

Is rasaaseynta ayaa la sheegey in ka dhalatay baabuur ay Ciidamada taraafikada ka xareeyeen Ciidanka ilaalada Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, iyada oo labada Ciidan ay degan yihiin goobo isku dhow.

Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland ayaa kala dhexgalay Ciidamada dagaalamay, iyada oo dadka magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal uu saameeyay dagaalka dhexmaray labada Ciidan.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Afar askari loo xiray dagaalka dhexmaray Ciidamada Taraafikada iyo kuwa ilaalada Madaxweyne kuxigeenka Puntland si baaritaan loogu sameeyo.

Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal oo kamid ah meelaha ugu amniga wanaagsan degaannada Puntland ayaa bilihii la soo dhaafay ka dhacay dhacdooyin ay kamid ahaayeen dilal ay askarta u geysteen dad Shacab ah iyo dhac dhalinyaro Burcad ah u geeysanayeen xilliyada habeenkii dadka Shacabka.

Exit mobile version