Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu dambeeyay Dil aano ah oo ka dhacay Degmo ka tirsan Gobolka…

Wararka aynu ka helayno Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in Xalay koox hubysan ay Wiil dhalinyaro ah ku dileen Magaaladaasi, waxaana soo baxaya warar dheeraad ah oo ku addan dilka marxuumka.

Dabley hubsay ayaa la sheegay in gudaha Magaalada ay ku dileen Marxuumka, oo sida la sheegay ka mid ahaa Darawalada isaga kala goosha Muqdisho iyo Caabudwaaq.

Dad ayaa soo weriyey in Marxuumka dilkiisu uu yhay mid salka ku haya aano qabiil, waxaana dilka kadib goobta siaga baxsaday dableydii dilkisa ka dambeysay.

Goobta uu falku ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidanka ammaanka, inkastoo ilaa iyo hadda aan la shaacin cid loo soo qabtay dilkaasi lo gaystay Wiilkaasi dhalinyarada ahaa.

Degaanada Gobolka Galgaduud ayaa waxaa joogto ka noqotay dilalka salka ku haya aanooyinka Qabiil, waxaana tiro dhowr jeer ah ka dhacay dilal qorsheysan iyo dagaallo toos ah oo salka ku haya aaanooyin qabiil.

Exit mobile version