Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu dambeeyay Dagaal maalintii 3-aad ka socda Guriceel iyo gurmadyo la helay

Waxaa maalintii saddexaad xaalad kacsanaan ah ay ka jirtaa Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud oo ay ku dagaalameen Ciidanka dowladda, kuwa Maamulka Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca.

Rasaas goos-goos ah ayaa haatan ka dhaceysa aaga Jaamacadda ee waqooyi Bari ee Magaalada, halkaas oo gelinkii dambe ee shalay uu ka dhacay dagaal aad u xoogan oo geystay khasaaro isgugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

Ciidamada dagaalamaya oo saacadihii lasoo dhaafay kala helay gurmadyo kala duwan ayaa ku kala sugan goobihii ay kala joogeen, waxaana mar kale Maanta laga cabsi qabaa inuu ka dhaco dagaal qaraar oo la isku adeegsado hubka cul culus.

Dad ku sugan Guriceel oo la hadlay Horufadhi ayaa u sheegay in dagaaladii dhacay ay ku dhinteen in ka badan 30 ruux oo isugu jiray Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Ciidanka dowladda, kuwa Galmudug iyo Ahlusuna, halka 60 qof kalena ay dhaawacmeen.

Illaa iyo hadda ma jirto waan waan laga dhex wado dhinacyada ku dagaalamaya degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud oo hakin karta dagaalka, waxaana dhinacyada dagaalamay ay kala sheeganayaan guulo kala duwan.

Exit mobile version