Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wararkii ugu dambeeyay Dad isku qoys ahaa oo lagu dilay Gobolka Jubbada Hoose

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Maleeshiyaad hubeysan oo laba qof oo Shacab ahaa ku dilay Magaalada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose, iyaga oo dilka kadib Goobta isaga baxsaday.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in laba qof ee la dilay ay ahaayeen dad isku qoys ah oo ay toogasho ku dileen maleeshiyaadka hubeysan, kuwaasi oo laba ruux ugu tageen guryahooda, waxaana dilkaan uu salka ku haayo arrimo la xiriira qabiil.

Ciidamo katirsan kuwa Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ku baxay halka uu dilka ka dhacay, balse aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan maleeshiyaadkii hubeysnaa ee dilka u geystay dadka Shacabka ahaa.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa degano hoosyimaada degmooyinka Dhoobley Afmadow iyo degaanka Gariley waxaa kajiray colaad Beeleedyo, waxaana habeen ka hor degaanka Diif ee Gobolka Jubbada Hoose arrimo la xiriira aano qabiil loogu dilay hal qof halka laba kalena loogu dhaawacay.

Exit mobile version