Site icon HORUFADHI MEDIA |

WAR CUSUB: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo is Casilay

Saddexdii xubnood ee ugu dambeeyay Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa manta oo sabti shaaca ka qaaday inay is casilaadooda u gudbiyeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Xubnahan oo kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil Dixood, Kaltuun Sheekh Xasan iyo Cabdixakiim Siciid Dalmar.

Saddex xubnood ayaa hore isaga casilay Guddida halka xubinta xisbiga UCID-na aan weli Baarlamaanku ansixin.

Tani ayaa waxaa ay la macno tahay in dhammaan guddidii Doorashadu meesha ka baxay, maalmihii dambe ayaa waxaa jiray khilaaf xoogan oo u dhexeeya Mucaaradka iyo Xukuumadda Madaxweyne Biixi, halkaas oo salka ku haaya doorashooyinka.

Exit mobile version