HORUFADHI MEDIA |

WAR CUSUB:-Senator Dhageey oo hal sababay isaga Casilay kursiga Aqalka Sare

Senator Yuusuf Geelle Ugaas oo loo yaqaano Dhageey oo afartii sanno ee lasoo dhaafay Senator ahaa oo mar kalena 12-kii bishii Ogoosto ee sanadkaan loo doortay inuu kamid noqdo Senatorada Galmudug ku metelaya Aqalka Sare ayaa ku dhawaaqay inuu is Casilay.

Qoraal uu soo saaray oo ku taariikheysnaa 15-kii bishaan November ayuu Senator Yuusuf Geelle ku shaaciyay inuu iska Casilay xubinnimadii Senator ee loo doortay, isagoona marka hore u mahadceliyay Madaxda iyo Xildhibaanadii mar kale doortay.

Sababta keentay inuu is Casilo Yuusuf Geelle Ugaas ayuu ku sheegay inuu doonayo in tolkiisa dhexdiisa uu ka abuuro Jawi siyaasadeed oo wanaagsan, isla markaana uu go’aan ku gaaray inuu tanaasul sameeyo.

Sidoo kale Yuusuf Geelle Ugaas ayaa Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Guddoonka Baarlamanka iyo dhammaan Xildhibaanada Maamulkaas ka codsaday inay ka aqbalaan Is casilaadiisa xubinnimo ee Golaha Aqalka Sare.

Exit mobile version