Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wada-hadallo u bilaabanaya kooxaha ku dagaalamayo Suudan & Xogta

Milliteriga Dowladda Suudan iyo Kooxda Gurmadka Degdega ee ama RSF ayaa waxa ay shalay oo Jimco ahayd wakiilo u  direen magaaladda Jeddah ee dalka Sacuudiga,  si ay u yeeshaan wada-xaajood aan toos ahayn  oo lagu dhamaynayo Colaada lagu riiqmay ee ka socda dalkaasi.

Wada-xaajoodkaasi ayaa waxaa dhexdhexaadiyaal ka ah Mareykanka, Sacuudiga & Urur- Gobaleedka IGAD, iyadoo Kulankaasi looga arrinsan doono Qoddobada kala ah:

1-Xabbad-Joojin,

2-In Ciidamada laga daad-gureeyo deegaanada ay dadka Rayidka degan yihiin iyo,

3-In la furo Marino Aadminimo ( وفتح ممرات إنسانية), si looga gudbiyo Gargaarka Aadminimo iyo Adeegyada Caafimaadka.

Dhanka kale, Telefishinka Al-Sharq waxa uu baahiyey magacyada Wafuuda ka kala socday Milliteriga Dowladda Sudan iyo kuwa RSF ee ka qeyb geli doona Shirka Nabadda ee ka furmi doona magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga.

Si kastaba, ma kala cadda inay kooxaha ku dagaalamayo dalkaasi ay Isfaham ka gaari doonaan Shirka Nabadda ee magaalladda Jeddah ka furmayo maanta oo Sabti ah.

Exit mobile version