Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wafdi ka socday Qaramada Midoobey oo gaaray Magaalada Baydhabo lana kulmay…

Wafdi ay hogaamineyso Kaaliyaha Xoghaya Qaramada Midoobey ee Afrika Mss Martha  Akyaa pobee  iyo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan  ayaa Maanta Soo gaaray Magaalada  Baydhabo .

Waxaana ay  Shir la yeesheen Guddiga Doorashooyinka dowlad goboleedka Koonfur-Galbeed  Shirka oo  looga Hadlayey Dardar gelinta Dooraashada  Xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo dooranayo Koonfur Galbeed Waxaana Warbixin ku saabsan Diyaargarowga Doorashada looga dhageystey Gudoomiye Kuxigeenka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ( SEIT) Mudane  Nuuridiin Ibrahim Aadan wuxuuna Sheegey in ay Si wanaagsan ay ugu diyaar garooween  Qabashada Doorashada.

Shirka Waxaa Shir Gudoominaayey Kusimaha Madaxweynaha Ahna Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Dr Cali Saciid Faqi.

Dhanka Kale Wafdiga  ayaa Waxaa ay Booqdeen Goobaha loo qorsheeyey in lagu Qabto Doorashada , iyagoona Bogaadiyey Diyaar garowga Wanaagsan ay  ugu jirto Koonfur Galbeed Doorashada Qabashadeeda.

Exit mobile version