Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wafdi ka socday Dowladda Somalia oo shir uga qeyb galaya Magaalada Addis Ababa

Wafdi ka socday Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dhowaan gaaray dalka Itoobiya ayaa si rasmi ah uga qayb galay Shirka Nabadda, horumarka iyo Dawladnimada Soomaaliya, kaas oo lagu qabtay Hoteelka Sheraton ee caasimaadda Addis Ababa.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamuud Cabdi Xasan Pekos, Qunsulka ahna ku simaha safiirka Safaaradda JFS ee Itoobiya Cali Maxamed Xuseen iyo Agaasimaha waaxda Asia iyo Australia ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Suleymaan Koosaar ayaa shirkan ku metelaya Dawladda Soomaaliya.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah waxaa qaban-qaabadiisa iska kaashaday Dawladaha Ethiopia iyo China, waxaana lagu casumay dalalka Geeska Africa iyadoo looga arrinsanayo sidii loo dejin lahaa qorshe dhaxalgal ah oo lagu sii anba qaadi karo horumarka ka jira Geeska Africa.

Exit mobile version