Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wafdi ka socday Dowladda Finland oo Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, ayaa waxaa maanta oo jimco ah soo gaaray Wafdi uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Finland Pekka Haavisto, iyagoona soo dhaweyn loogu sameeyay Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wafdiga ka socday Finland ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde uga hortagay oo kusoo dhaweeyay Wasiirka arrimsha dibedda Soomaaliya Abshir Cumar Haruuse iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka.

Wasiir Abshir Haruuse ayaa Wasiirka Finland Warbixin ka siiyay xaaladda guud ee dalka iyo dadaaladda xasilinta iyo howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta ee dalka ka socda.

Booqashada Wafdiga Wasiirka Arrimaha Dibedda Finland oo qaadan doonta hal maalin ayaa qorshuhu yahay in uu  la kulmo madaxda Dalka, oo ay ugu horreeyaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Exit mobile version