Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wafdi ka socday DFS oo ka qeyb galay Shir looga hadlay Dhaqaalaha

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ku sugan Magaalada Sharma Shiikh ee dalka Masar ayaa ka qayb galay shir gaar ah oo ay isugu yimaadeen wasiirada maaliyadda iyo madaxda Bangiyada Dowliga ah ee Dalalka bariga Afrika oo Soomaaliya ay xubin muhiim ah ka tahay.

Waasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in kulanka looga hadlay arrimaha horumarinta dhaqaalaha dalalka bariga Afrika iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ku hor gudban dhaqaalaha.

Sidoo kale shirka ayaa looga dooday sidii dal waliba uu maalgalin u gaar ah uga heli lahaa Bangiga Horumarinta Afrika.

Dhawaan waxaa si rasmi ah uga furmidoona magaalada Sharma Shiikh ee dalka Masar shirka sanad laha ah ee Bangiga horumarinta Afrika.

Exit mobile version