Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wafdi ballaran kana socda Dowladda Somalia oo gaaray Lubnan iyo ujeedkooda

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdi Axmed Qaasim ayaa goor dhow gaaray magaalada Beyruut ee dalka Lubnaan, halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay ugana qeyb gali doono shirka Jaamacada Carabta ee ISKUA.

Wasiiru Dowlaha oo ay wehlinayeen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada sida Agaasimaha Guud ee Wasaaradda C/llaahi Maxamed Cali iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday Wasaaradaha Adeegga Bulshada sida Wasaaradda Haweenka iyo Cadaaladda.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cabdi Axmed Qaasim ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato mas’uuliyiinta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee dalka Lubnaan.

Sidoo kale Cabdi Axmed Qaasim ayaa la kulmaya ka qeyb galayaasha kale ee shirka ka qeyb galaya, isla markaana uu kala hadlayo arrimo kale duwan oo la xiriira xoojinta dowladnimada dalalka Carabta.

Exit mobile version