Site icon HORUFADHI MEDIA |

Waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho oo Maanta xiran & sababta

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka xiray waddooyinka qaarkood ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyagoona gaadiidka noocyadiisa kala duwan u diidaya inay maraan waddooyinka xiran.

Waddooyinka xiran ayaa waxaa kamid ah Isbitaalka xooga, Sheekh Cali Suufi, Isgoyska Banaadir, Soobe, Lambar afar (KM4) iyo waddooyin kale oo muhiim u ah isku socodka guud ee caasimadda.

Ciidamada ammaanka dowladda ayaa meelaha xiran qaarkood u diidaya inay dadweynaha lug ku maraan, isla markaana ka celinaya oo ay u sheegayaan inay maraan waddooyinka furan oo lugta loo ogalyahay.

Warar la helayo ayaa sheegaya in sababta keentay xirnaashaha waddooyinka Magaalada ay tahay mid la xiriirta in Maanta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu booqasho ku tegayo Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Wasaardda Gaashaandhigga kula kulmi doona Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo uu kala hdali doono dagaalka ka dha ah Al-shabaab ee ka socda Gobolada dalka Soomaaliya…

Exit mobile version