Site icon HORUFADHI MEDIA |

Wabiga Shabeelle oo fatahaad ka sameeyay deegaanno & xaaladda taagan

Muddooyinkii u danbeeyey, ayaa waxaa isa soo tarayey qaylo dhaanta ku aadan cabsida laga qabo fatahaadaha webiyada ee guud ahaan Soomaaliya, si gaar ahaaneed maamul Goboleedka Hirshabeelle.

Warar la helayo ayaa sheegaya in webiga uu fatahaad ka sameeyay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, isla markaana uu saameyn ku yeeshay qoysas farabadan oo deganaa deegaanada uu webiga fatahaada ka sameeyay.

Biyaha webiga ayaa dhex ceegaaga guryaha iyo beeraha, waxaana bakarac sameeyay qoysas badan oo uu saameyn ku yeeshay fatahaada.

Wasiirka ku-xigeenka gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka ee Maamulka Hirshabeelle, Cumar Maxamed Cumar ‘Cumar Gaabow’ ayaa BBC-da u sheegay in webiga uu khasaaro gaarsiiyay in ka badan 60 tuulo, uuna jiro khasaaro badan.

Wasiirka ayaa tilmaamay in fatahaada webiga Shabeelle ay keentay roobab xooggan oo ka da’ay deegaano ka tirsan Gobolka, isla markaana waxa uu ku baaqay in loo gurmado dadka dhibaateysan, isagoona xusay in maamulka uu wado dadaalo kala duwan.

Exit mobile version