Site icon HORUFADHI MEDIA |

Toogasho Dad lagu dilay oo ka dhacday Caasimadda Brussels

Wakaallada Wararka Sweden ee TT ayaa baahisay in labo qof oo Swedish ah lagu dilay Toogashadaasi oo ka dhacday Bartamaha Caasimadda dalka Belgium ee Brussels.

Warbaahinta Belgium waxay sheegeen inuu Weerarkaasi ka dhacay meel 5 KM u jirta Garoon K/Cagta oo ay dhex mari lahayd Xulalka K/Cagta ee Sweden iyo Belgium Ciyaar ka tirsan Koobka K/Cagta ee Qaramada dalalka Europe (Euro 2024).

Labada qof ee la dilay waxay wateen Funaanadda Khaaska u ah Xulka K/Cagta ee Sweden.

Ciyaartaasi ayaa markii dambe la baajiyey, kadib Weerarkaasi sababay dhimashada iyo dhaawaca. Warbixino Warbaahineed ayaa sheegay in Nin ku hubeysan Qoriga darandooriga u dhaca uu tacshiirad ku furay dad ku sugnaa Barxadda   Deegaanka Molenbeek area.

Ninka weerarka geystay waxaa kaloo la sheegay inuu dhowr qof sii dhaawacay, ka hor inta uusan ka baxsan goobta uu Toogashada ka geystay.

Exit mobile version