Site icon HORUFADHI MEDIA |

Toogasho badan ku dhinteen oo ka dhacday Magaalo ka tirsan Mareykanka

Toogasho lagu dilay dhowr qof tiro kalana lagu dhaawacay ayaa ka dhacday dhismo ku yaalla Magaalada Highland Park ee dalka Mareykanka, waxaana toogashadan dhacday xilli Mareykanka looga dabaaldegayay maalinta madaxbannaanida.

Inta la xaqiijiyay nin ku hubeesan qoray daran doori u dhaca ayaa toogasho ku dilay lix qof halka tiro intaa ka badana ku dhaawacay, ninkan ayaana rasaas ku furay dhismo dabaq ah oo xilligaasi dad badan ku sugnaayeen.

Ciidamada booliiska Mareykanka ayaa xiray ninka toogashada geestay oo magaciisa lagu sheegay Robert E Crimo III, oo 22 jir , ninkan ayaana la sheegay in uu ahaa fanaan dhinaca muusika caan ku ah sidoo kale taageera u ahaa Donald Trump.

Ninkan hubeesan ayaa ka soo toogtay dad u dabaaldegayay maalinta madaxbanaanida Mareykanka saqafka sare ee dukaan u dhow halka uu dabbaaldaggu ka dhacayay, waxaana toogashada kadib ninkan isku dayay in uu baxsado, balse Booliiska ayaa qabtay.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joi Biden ayaa si kulul u cambaareeyay toogashadan dhacday, waxa uuna xusay in toogashadan dhacday xilli xasaasi ah , waxa uuna xusay in falkan iyo kuwa kale oo dhacay sabab u yihiin hubka shacabka gacanta ugu jira.

Exit mobile version