Site icon HORUFADHI MEDIA |

Tirada dadkii ku dhintay Dhul-gariirkii ka dhacay Turkiga oo sii korortay  

Kooxaha Gurmadka ee Dhul-gariirkii ka dhacay dalka Türkiye ayaa waxaa ay maanta oo khamiis ah soo badbaadiyeen Gabar 17 jir ah, taasi oo muddo 248 saacadood ku hoos jirtay Dhismo burburay.

Gabadhaasi ayaa waxaa laga soo saaray dhismo burburay oo ku yaalla Gobalka Kahramanmaraş ee Koonfurta dalkaasi.

Warbaahinada TRT ayaa baahisay hadal ay Dowladda Turkiye ka soo saartay Gabadha maanta la soo samata-bixiyey.

Dhanka kale, Hay’adda Masiibooyinka iyo Maaraynta Xaalladaha Degdega ee AFAD waxay maanta oo Khamiis ah shaacisay in Tirada dadkii ku dhintay Dhul-gariirka isbuucii hore dhacay uu haatan gaaray 36,187 qof.

Exit mobile version