Site icon HORUFADHI MEDIA |

Telefishin Islaami oo iska diiday Maal-gelinta Hay’ad Masiixi ah

Agaasimaha Guud ee Telefishinka Kanaalka Qur’aanka Kariimka ee Doha, Alsayid Yuusuf Al-Shaybaani (Dohat Al-Qur’an) ayaa sheegay in Kanaalka loo xiray sababo la xiriirta gabaabsiga Maalgelinta lagu socodsiin jirey Hawlaha Warbaahintaasi.

Agaasimaha Kanaalkaasi oo la hadlay Shabakada Wararka ee Alsharq  ee dalka Qatar waxa uu tilmaamay in Go’aankaasi la qaatay, kadib, markii ay awoodi kari waayeen bixinta kirada Dayax-gacmeedka (The rental of a satellite), Dhismaha Xarunta Dhexe ee TV-ga iyo Mushaarka Shaqaalaha.

Waxa uu xusay in Telefishinka Dohat Al-Qur’an oo la asaasay sanadkii 2020-kii ay Taageero ka heli jireen Deeq-Bixiye Muxsin ah oo dabari jirey Guud ahaan  Inkaaniyaadka Kharajka lagu socodsiiyo Hawsha Warbaahinta,  iyadoo ay Kanaalka ku xiran yihiin in ka badan 5 milyan oo Daawadayaal ku nool dalalka Carabta.

Shaqaalaha Kanaalkaasi ayaa la sheegay inaysan wax Mushaar ah qaadanin muddo 6 bilood ah.

Kharajka Guud ee Kirada Dayax-gacmeedka Kanaalka (The satellite rental) waxa uu bishiiba gaarayaa 50,000 oo Riyaalka Qatar oo u dhiganta 13,732 Dollar ($13,732) per month.

Dhinaca kale,  Agaasimaha Guud ee Kanaalka Qur’aanka Kariimka ee Doha ayaa waxa uu Wareysigiisa ku xusay inay ku gacan saareen Codsi ay Hay’ad Samafal oo Masiixi ah oo fadhigeedu ku yaallo dalka Maraykanka oo ay ku doonayeen inay ku daboolaan Baahida Kharajka ka dhamaaday Kanaalka Qur’aanka Kariimka ee Dohat Al-Qur’an.

Warbixinta ayaa waxaa lagu xusay in Shaqaalaha Kanaalka ay haatan si Is-Xilqaan ah u sii shaqeeyaan, isagoo Shaqaalaha u rajeeyey inuu Allaah ka siiyo Ajir iyo Dembi-dhaaf U-Adeegida Kitaabka Allaah.

Exit mobile version