Site icon HORUFADHI MEDIA |

Taliyihii Nabadsugida Doolow oo Xaaskiisa ay Hotel ku dhex dishay

Taliyihii Nabadsugidda degmada Doolow ayaa lagu soo warramayaa in Goordhaweyd lagu dilay oo Hoteel ku yaalla degmadaasi, waxaana soo baxayaa faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan dilka Taliyaha.

Taliyaha ayaa lagu magacaabaa Ibraahim Hilowle, waxaana la sheegay inay dishay Xaaskiisa, dilkaaasi oo si gaar ah uga dhacay Hoteel ku yaalla degmada, oo sida la sheegay uu deganaa.

Haweeneyda dilka geestay ayaa la sheegay in taliyaha uu ku bartay magaalada Muqdisho xilli uu shaqo u yimid, waxaana dad ku dhaw dhaw taliyaha noo sheegeen in haweeneyda iyo taliyaha uu dhax maray xiriir guur uuna shalay geeyay degmada Doolow uu degnaa.

Ilaa iyo hadda ma cadda sababta ka dambeysay dilka, balse waxaa socda baaritaanno xooggan oo ay wadaan laamaha amniga, gacanta ayaana sidoo kale lagu hayaa Haweenaydii dilka fulisay.

Exit mobile version