Site icon HORUFADHI MEDIA |

Taliye Odawaa xilkii laga qaaday & Taliye cusub oo loo magacaabay CXD

Taliyaha Ciidamadsa xoogga dalka ayaa loo magacaabay Jenaraal Ibraahim Sheekh Muxudiin oo hore usoo noqday Taliyaha guutada 60aad ee ilaalada Madaxtooyada dalka.

Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay Jeneral Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow.

Hase yeeshee , Jeneral Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow oo loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa bedelaya Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage  oo ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ma cadda sababta xilka looga qaaday Odowaa oo taliyaha ciidanka xoogga dalka soo ahaa tan iyo 2019.

Tallaabadan ayaa imaneysa ayada oo uu hakad galay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, oo aysan dowladda muddo bil ah qaadin wax howlgal ah oo ka dhan ah kooxda.

Exit mobile version