Site icon HORUFADHI MEDIA |

Taliye Mahad C/raxmaan oo mar kale loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana kulanka shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre.

Golaha Wasiirada ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyey magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta ee dowladda Federaalka Soomaaliya Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aaden, oo ay soo jeedisey Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

Generaal. Mahad Cabdiraxmaan ayaa haatan ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, waxaana lagu soo doortay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, isagoonta haatan waayay kursiga Xildhibaanimo ee horey loogu doortay.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Gen. Mahad Cabdiraxmaan ayaa aqoon iyo khibrad u leh arrimaha la xiriira waajibaadka Ciidanka Asluubta, kaas oo horey u soo noqday Taliyaha Ciidanka Asluubta, Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Dugsiga Labaatan -Jirow iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska ee Gobolka Baay.

Dhanka kale Golaha ayaa kulankoodii maanta ku meel-mariyey Xeerka Xakameynta Hubka Caasimadda, Siyaasadda Habraaca Diyaarinta Hindise-sharciyeedyada iyo Gelidda Heshiisyada iyo Siyaasadda Qaran ee Qurba-Joogta Soomaaliyeed.

Exit mobile version