Site icon HORUFADHI MEDIA |

Taliye Biixi iyo Saraakiil ciidan oo safar ku tegay degaano laga saaray Al-shabaab

Taliyaha Ciidanka  dhulka XDS General Mohamed Tahliil Biixi oo ay wehliyaan Agaasimaha Waaxda Canshuuraha Beriga ee Wasaaradda Maaliyadda XFS Muxudiin Hassan Juris Saabeey,Taliyaha Booliska Hiirshabelle iyo sarakiil kale ayaa kormeer ku tagay deegano hoosyimada Aadan Yabaal iyo Masaajid Cali gaduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha oo la kulmay saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in la dalacsiinayo Saraakisha iyo Askarta hubka ka furtay Al-shabaab, isaga oo kulan gaar ahna la qaatay Ciidamada deegaanka.

Taliyaha ayaa tagay goobihii shalay dagaalada ka dhaceen ee kala ah Quricii jilibeey, macaashka, garasweyne, juxaay oo ah dhul keymo ah una dhaxeeyo Guulane Iyo Masaajid Cali-gaduud, halkaas oo Al-shabaab fariisimo ku lahaayeen.

Deegaannad kormeereen taliyaha ciidamada dhulka iyo xubnaha la socday ayaa waxaa ka dhacay dagaalo xooggan, waxa ayna dowladda Federaalka sheegtay in goobahaasi lagu dilay in ka badan 100-dagaalyahana oo ka tirsan Al-shabaab.

Exit mobile version