Site icon HORUFADHI MEDIA |

Taliyaha Booliska Somalia oo kulan la yeeshay Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta shir la qaatay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, ahna Madaxa Hawl-galka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), James Swan iyo  Saraakiil Sare oo ka tirsan Xafiiskiisa.

Kulanka dhexmaray Taliye Cabdi Xasan Maxamed iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa waxaa looga hadlay inta uu socday dhammaystirka iyo xoojinta sugidda amniga doorashooyinka dalka…

James Swan ayaa Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ku boggaadiyey guushii ay ku xaqiijiyeen sugidda amniga Doorashooyinkii ka dhacay Muqdisho ee doorashadii Gobolada Waqooyi ee Somaliland iyo kuwii Banaadiriga ee lasoo gaba-gabeeyey.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay inay ka go’an tahay xaqiijinta amniga Magaalooyinka loo qorsheeyay inay ka dhacaan doorashooyinka Xildhibaanada Golaha Shacabka oo heer gaba-gabo ah maraya.

Exit mobile version