Site icon HORUFADHI MEDIA |

Taliyaha Booliska Dowladda oo magacaabay Taliye Ciidan xilkiina ka qaaday Taliye

Taliyihii ciidanka Booliska Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa xilkii laga qaaday, iyadoo lagu bedelay Taliye Cusub, kadib wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliyaha Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar xilkii ka Qaaday taliyihii saldhiga Beledweyne Gaashaanle Mohamed Qoorsheel, waxaana uu magacaabay Maxamed Xuseen  Maxamuud (Duurdege)

Taliyaha la magacaabay ayaa horay uga soo shaqeeyey hogaanada Booliska, isagoo ka soo shaqeeyay sida la sheegay Gobolada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, welina ma cadda sababta ka dambeysa isbedelkan.

Laamaha amniga Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa la faray inay la shaqeeyaan Taliyaha cusub ee la magacaabay Maxamed Xuseen  Maxamuud (Duurdege), si uu u guto waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday.

Exit mobile version