Site icon HORUFADHI MEDIA |

Talisyada Booliska Soomaaliya iyo Itoobiya oo Heshiis cusub kala saxiixday

Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, Taliyaha ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa dalka Itoobiya Jeneraal Damelesh Garbamichel oo ay ka wada hadleen arrimo kala duwan oo ku aadan Talisyada labada dal.

Inta uu socday kulanka dhexmaray Taliye Xijaar iyo Damelesh Garbamichel ayaa waxaa ay kulankooda diirada ku saareen sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya labada ciidan iyo sidii ay isku dhaafsan lahaayeen xogaha dhinaca amniga

Taliyaha ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliyaha ciidanka Itoobiya ayaa kulanka kadib heshiis ku wada gaaray Iskaashi dhexmara oo ku aadan dhinaca amniga ah iyo sare u qaadista tababarada aqoonta booliiska labada dal.

Hay’adaha ammaanka Soomaaliya madaxdooda ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ku qulqulayay dalka Itoobiya, waxa ayna heshiisyo kala duwan la saxiixdeen hay’adaha ammaanka Itoobiya sida Nabad sugida, booliiska iyo milatariga.

Exit mobile version