Site icon HORUFADHI MEDIA |

Taliska Ciidanka Xoogga oo War kasoo saaray xubno ka tirsan Al-shabaab oo la dilay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheeysan ka sameeyay degaanka Qabdho oo hoostaga degmada matabaan ee gobolka hiiraan halkaas oo ay khasaare xoogan ku gaarsiiyeen Al-shabaab.

Ciidanka xoogga ayaa dagaalamayaasha Al-shabaab ka dilay ku dhawaad 10 xubnood, iyagoo bur-buriyay bartii ay shacabka kaga qaadayeen lacagaha baada ah.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Odowaa Yuusuf Raage ayaa Warabaahinta dowladda  Sida u sheegay in ujeedka howlgalka uu yahay sidii looga hortagi lahaa dhagarta Shabaabka, isla markaasna shacabka looga dul qaadi lahaa dhibaatada ay ku hayaan.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Maamulka Hirshabeelle deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ka wadeen howlgalo ka dhan ahaa Al-shabaab, iyadoona shabaabka la doonayo in laga saaro deegaano ay kaga sugan yihiin Gobolka.

Exit mobile version