Site icon HORUFADHI MEDIA |

Soomaaliya oo taageertay Mowqifka Masar ee dhismaha Biyo-xireenka GERD

Saciid Maxamed Maxamuud oo ah Madaxa wafdiga Baaarlamaanka Federaalka Soomaaliya uga qeyb galayo Shirka 32-aad ee Midowga Baarlamaanada Carbeed ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu la kulmay Guddoomiyaha Barlamaanka dalka Masar,  Dr. Xanafi Jibaali.

Labada Mas’uul oo kulan Khaas ah ku yeeshay Qaahira ayaa ka wada hadley xiriirka soo-jireenka ee Somalia iyo Masar, Iskaashiga labada Baarlamaan iyo taageerada Khibradaha.

Madaxa wafdiga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Saciid Maxamed Maxamuud waxa uu ka mahad celiyey Taageeradii Masar ee xilligii Dagaalka lagula jiray Gumeystayaashii xoogga ku haystay Somalia.

Waxa kale oo uu soo hadal qaaday Mowqifka Soomaaliya ee muranka Masar iyo Ethiopia ee Dhismaha Biyo-xireenka GERD, wuxuuna xusay inay Somalia taageersan tahay Mowqifka Masar ee Khilaafka ka taagan Biyo-xireenka Ethiopia ee GERD.

“Wax kasta oo Masar dhibayo, waxay dhibaato ku yihiin Somalia “ayuu yiri Saciid Maxamed Maxamuud.

Exit mobile version