Site icon HORUFADHI MEDIA |

Soomaaliya iyo Qatar oo wada-hadal gaar ah ka yeeshay saddex Qodob

Wasiirka Shaqada ee dalka Qatar,  Dr. Cali bin Samiikh Al-Mari ayaa waxaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee dalka Somalia, Biixi Iimaan Cigeh oo booqasho rasmi ah ku jooga Caasimadda dalkaasi ee Doha.

Warkan oo laga soo xigtay Wakaallada Wararka dalka Qatar (QNA) ayaa waaa waxay labada Wasiir ka wada xaajoodeen xiriirka labada dal, Iskaashiga Wadajirka ee Arrimaha la xiriira Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Hanaanka Taageerada iyo Horumarinta.

Waxay kaloo Dib-u-eegis ku sameeyeen Wasiirka Shaqada ee dalka Qatar iyo dhiggiisa dowladda Soomaaliya wada-shaqayn dhex marta labada Wasaaradood ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Somalia iyo Qatar.

Dhanka kale, Wasiir Biixi Iimaan Cige ayaa waxa uu ka qeyb galay Shirweynaha 42-aad ee Wasiirada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee dalalka Carbeed oo maanta ka furmay Caasimadda dalka Qatar ee Doha.

Exit mobile version