Site icon HORUFADHI MEDIA |

Somaliland oo xukuno ku riday Rag ka Ganacsanaayay wax hore loo mamnuucay

Maxkamad ku taalla Gobolka Togdheer ee Somaliland ayaa xukunno kala duwan ku ridday eedeysanayaal loo haystay maandooriye, kuwaasi oo la sheegay in degaanadaasi ay soo galin jireen maandooriye ka kooban Khamri iyo Xashiish.

Maxkamadda ayaa  waxaa ay amartay in la burburiyo 941 Liitar oo Khamri ah kuwaasi oo ciidanka Boolisku ay howgallo kusoo qabteen, waxaana sidoo kale la amray in la gubo 10 kiilo oo xashiishad ah.

Eedeysanayaasha loo haystay Kiiska ayaa tiradoodu waxaa ay gaaraysaa lix ruux, waxaa maxkamaddu ay kasoo saartay xukun rasmi ah, iyadoo dhammaantood lagu xukumay xabsi u dhexeeya 5 ilaa 6 sano oo xabsi ah.

Taliska Ciidanka Booliska ayaa billaabay burburinta Maandooriyaha amarka laga soo saaray, iyadoo sawirro iyo muuqaallo la baahiyay ay muujinayaa Ciidanka oo bur-burinaya Dhalooyinka khamriga oo aad u farabadan.

Maandooriyaha la burburiyay ayaa horay waxaa u soo qabtay Ciidanka Booliska, iyadoo iowlgallo ballaaran oo ay Ciidanklu ay gaacnta kusoo dhigeen, shaqsiyaadka iyo Maandooriyaha oo si dhuumaalaysi ah lagu soo galiyay degaanada Somaliland.

Exit mobile version