Site icon HORUFADHI MEDIA |

Somaliland oo xir-xirtay siyaasiyiin iyo dad taageersan Madaxda Mucaaradka

Ciidanka Booliska Maamulka Somaliland ayaa xir-xiray qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo dadka kale ay taageersan Banaanbaxyada ay ku dhawaaqeen Madaxda xisbiyada Mucaaradka ee kasoo horjeeda Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ciidanka Booliska ayaa la arkayey iyaga oo xiraya dadka taageersan Mucaaradka Somaliland, isla markaana Ciidamada ay hareereeyeen guryaha ay Magaalada Hargeysa ay ka degan yihiin qaar kamid siyaasiyiinta taageersan mucaaradka.

Xisbiga Mucaaradka Waddani ayaa ku hanjabay in xiritaanka Dadka aanay joojin doonin dibadbaxooda, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo ah Musharraxa Xisbigaas ku metalaya doorashada Madaxweynaha Somaliland ayaa ka digay xariga dadka.

Madaxda Xisbiyada Mucaaraadka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in 11-ka bishaan Ogoosto ay qabanayaan banaanbaxyo waaweyn oo looga horjeeda Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay sheegeen in aysan diyaar u aheyn doorasho.

Si kastaba Maamulka Somaliland ayaa maalmihii lasoo dhaafay Madaxda xisbiyada uga digayay inay qabtaan banaanbaxyo looga horjeedo Xukuumadda, waxaana Maamulka uu sheegay inay tallaabo adeg ka qaadi doonaan dadka dhiga banaanbax sharci darro ah, isla markaana aan maamulka fasax looga heysan.

Exit mobile version