Site icon HORUFADHI MEDIA |

Somaliland oo beenisay War uu baahiyey wargeyska The Times of Israel

Somaliland flag - 3D realistic waving flag background

Maamulka Somaliland ayaa beeniyey War uu baahiyey Wargeyska the Times of Israel oo sheegay in Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga SL Cabdiqani Maxamuud Cateeye (Fariid) uu ka qeyb galay shir lagaga hadlayay iskaashiga Israel iyo Wadamada Africa.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhiiga Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Wasiirka muddooyinkii dambe uu ka shaqeynayey hawlaha Maamulka ee horyaala, isla markaana beeniyey Warka la faafiyey.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland ayaa sidan u qornaa:-

Wararka beenta ah ee laga sheegayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga SL.

Warar aan Sal iyo Raad toona lahayn ayaa lagu baahiyay Wargayska the Times of Israel kaas oo ay  ku sheegeen wargaysa  in Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiggu SL uu ka qayb galay shir lagaga hadlayay iskaashiga Israel iyo Wadamada Africa.

Waana been cad oo marag ma doona Wasiirka Wasaradda Gaashaandhiggu SL Abdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid)  waxa uu mudooyinkii u dambeeyay ka shaqaynayay hawlaha Maamulka ee horyaala waxa uu ka mid ahaa gudidii  qaban qaabada maalinta ee 18May waxaana uu ahaa gudoomiye ku xigeenka gudada 18may, Wakhtigaa uu wargaysku ku sheegay in  uu shirka ka qayb galay Wasiirku waxa uu ku mashquulsanaa qaban qaabada  Xuska maalinta Qaran ee 18may.

Wararka noocaan ah  waxa loogu talagalay in sumcada Qaranka JSL lagu waxyeeleeyo

Exit mobile version