Site icon HORUFADHI MEDIA |

Somalia iyo Qatar oo ka wada hadlay siyaabaha lagu xoojin karo laba Arrin

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federalka Soomaaliya ayaa kala hadlay dhiggiisa dowladda Qatar qoto-dheeraynta xiriirka labo geesoodka ee wadaagga ah ee u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Qatar.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cali Maxamed Cumar, ayaa magaalada Dooxa ee caasimadda dalkaas, kula kulmay Dhiggiisa Qatar, Sultan bin Saad Al Muraikhi.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, iyo sidoo kale fursadaha horumarinta dhinacyada iskaashiga iyo maalgashiga.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah iyo iskaashi istiraatiiji oo adag.

Qatar ayaa gudaha magaalada Muqdisho iyo maamul Goboleedyada ka fulisay mashaariic horumarineed, iyagoona dhistay oo ay bixiyey mashruucda dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Balcad.

Exit mobile version