Site icon HORUFADHI MEDIA |

Somalia iyo Kenya oo ku heshiiyay dib u furista xadka ay wadaagaan

Shir heerkiisu sarreeyo oo heer wasiir ah ayaa maanta dhex maray dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo shirkaas ay Soomaaliya uga qeyb galeen wasiirada arrimaha dibadda, Gaashaandhigga iyo Amniga, halka dhanka Kenya ay uga qeyb galeen Wasiirka Gaashaandhigga iyo Professor Kithure Kindiki, Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya.

Shirka ayaa waxaa inta uu socday diiradda lagu saaray iskaashiga iyo amniga xuduudaha labada dal, iyadoo dalalka Soomaaliya iyo Kenya ku heshiiyeen in si tartiib tartiib ah dib loogu furo xadka muddo 90 maalmood gudahood ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya ayaa sheegay in Kenya iyo Soomaaliya ay isku raaceen in ay dib ay u furan xuduudda ay wadaagaan ka dib muddo toban sano ka badan oo ay xirneyd, waxaana ay imaneysaa xilli xiriirka labada dal ee deriska ah uu soo hagaagayo.

Labada dal ayaa bishii July ee sanadkii hore ku dhawaaqay qorshe dib loogu furayo xadka ka dib wadahadal dhexmaray Madaxweynihii xilligaasi ee Kenya Uhuru Kenyatta iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, laakin qorshahaasi ayaan hergelin.

Kenya ayaa qeyb ka ah howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana meelo kamid ah Gobolada Jubbada Hoose iyo Gedo ka jooga Kumanaan Askari, kuwaas oo ku howlgallka Magaca ATMIS.

Exit mobile version