Site icon HORUFADHI MEDIA |

Somalia iyo Ingiriiska oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac, ayaa ku qaabilay Muqdisho, Safiiradda Boqortooyada Midowday (UK) u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Kate Foster OBE.

Safiiradda Britain ayaa ugu hambalyaysay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda xilka loo magacaabay, iyada oo u rajaysay inuu ku guulaysto howlaha loo igmaday, waxa ayna ku nuux-nuuxsatay kaalinta UK ee ah saaxiib, isbahaysi, garab iyo taageere ee dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.

Intii kulanka lagu guda-jiray ayaa waxaa la iskula eegay xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo UK iyo siyaabaha lagu xoojin karo, laguna horumarin karo dhinac waliba oo ay ku jirto dano wadaagga.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa la kulmay ku-xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ahna Sarkaalka mas’uulka ka ah Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM), Marwo Anita Kiki Gbeho,

Kulanka ayaa waxaa la isku dhaafsaday aragtiyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin fududeynta gurmadka aadannimo ee la gaarsiinayo dadka tabaalaysan, sidoo kale waxaa la isla fallanqeeyay horumarka xaaladaha siyaasadeed iyo kuwa amni.

Exit mobile version