Site icon HORUFADHI MEDIA |

Sirdoonka Turkiga oo dilay Ninkii soo abaabulay Qaraxii ka dhacay Istanbul

Sirdoonka dalka Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inay howlgal khaas ah oo ka dhacay magaaladda Qamishli ee Waqooyiga dalka Syria ku khaarijiyeen Khaliil Manji oo ahaa Ninkii soo abaabulay qaraxii ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Sida lagu sheegay War qoraal ah oo kasoo baxay hay’adda Sirdoonka Turkiga, Khaliil Manji oo ka tirsanaa Kooxda hubeysan ee PKK/YPG ayey  xogtiisa heleen  sirdoonka, kadibna Unug ka tirsan Sirdoonka ayaa dilay bishan February 22-dii.

Khaliil oo door weyn ku lahaa qrixii ka dhacay wadada Istiqlaal ee magaalada Istanbul bishii November ayaa ku sugnaa, xillii la khaarijinayay magaalada Qamishli ee Gobalka Hasakah ee dalka Syria oo ay maamulaan maleeshiyada Kooxda PKK/YPG .

Waxaa la sheegay inuu Khaliil Manji abaabulay Qarixii ay geysteen Axlaam Albashiir iyo Bilaal Xasaan, iyadoo Khaliil Manji u suurto-gashay inuu Qaraxa Istanbul kadib uu dalka Türkiye ka baxsado.

Qarixii bishii November 13-dii ee sanadkii hore ka dhacay dhabaha Istikhlaal ee magaalladda Istanbul waxaa ku dhintay 6 qof oo rayid ah,  halka ay 18 kalena ku dhaawacmeen.

 

Exit mobile version