Site icon HORUFADHI MEDIA |

Shuruudo la hor-dhigay Ciidanka Gurmadka Deg-dega ee RSF

Guddiyo ka kala socda Milliteriga dowladda Suudaan iyo kuwa Gurmadka Degdega ee RSF ayaa waxa uu weli kulan uga socdaa magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga, iyadoo labada dhinac weli isku mari la’ yihiin kulankaasi.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay in wafdiga ka socday Milliteriga haya Talada dalka Suudaan ay shalay soo bandhigeen 3 Qoddob oo loo baahan yahay inay ciidanka Gurmadka Degdega ee RSF hirgeliyaan.

Madaxa Ergada Dowladda Suudaan ayaa si cad u sheegay in wareega koowaad ee Shirka Nabadda ee ka socda magaaladda Jeddah looga arrinsan doono oo keliya Arrimaha Samafalka Aadminimo,  oo aan marnaba laga xaajoon doonin qaddiyadaha Ciidanka ama Amniga.

Saddexda Qoddob ee ay wafdiga Milliteriga Suudaan ay hor dhigeen kuwa Gurmadka Degdega ee RSF (قوات الدعم السريع) inay fuliyaan ayaa kala ah:-

1- inay ciidanka Gurmadka Degdega ee RSF ay si toos ah oo aan shuruud lahayn looga daad-gureeyo caasimadda Khartoum  iyo Guud ahaan deegaanada la degan yahay.

2- Kordhinta muddada xabbad-joojinta dhanka Aadminimada,

3- In lagu soo dhamaystiro Nidaamka isku-dhafka Ciiddmada dalka Suudaan muddo 2 sano gudaheeda.

 

Exit mobile version