Site icon HORUFADHI MEDIA |

Shirka Mareykanka iyo Afrika oo Maanta furmaya & Qodobada laga hadlayo

Waxaa Maanta magaalada Washington ee dalka Mareykanka ka furmaya Shirka Mareykanka iyo Afrika oo uu martigelinayo Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo shirka isugu yeeray hoggaamineyaasha dalalka Afrika.

Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin dib u eegista xiriirka labada dhinac, kor u qaadista iyo xoojinta hay’adaha dawliga ah ee Afrika, muwaadiniintooda iyo weliba nidaamka dawliga ah.

Qodobada kale ee inta uu socda shirka looga arrinsanayo ayaa waxaa ku jira  caqabadaha jira ee dhinaca caafimaadka, dimoqraadiyadda, maamul wanaagga, maalgelinta, horumarinta, isbedelka cimilada, iyo qodobo kale oo badan.

49 ka mid ah madaxda dalalka Afrika iyo guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa lagu casuumay shirkan, waxaana dalka Mareykanka kusii qul-qulaya Hogaamiyeyaasha Afrika si ay uga qeyb galaan shirka.

Madaxda lagu casuumay shirka ayaa waxaa ku jira Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoona gaaray magaalada Washington, si uu uga qeyb galo shirka Maanta ka furmaya Washington.

Exit mobile version