Site icon HORUFADHI MEDIA |

Shil khasaaro sababay oo ka dhacay Puntland & faah faahin laga helay

Shil Gaari oo ka dhacay dhinaca Bari ee Gobolka Nugaal, ayaa waxa ku geeriyooday laba nin oo la sheegay inay ahaayeen Kaaliyayaasha Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ee dowlad Goboleedka Puntland.

Labada qof ee Geeriyooday ayaa magacyadooda lagu sheegay Cabdixakiin Adan Maxamuud iyo Maxamuud Xasan Daahir, gaariga oo ahaa nooca raaxada ayaa ka yimi magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in shilkaan ka dhacay dhinaca Bari ee Gobolka Nugaal, kadib markii gaari nooca raaxada oo ay saarnaayeen ragga geeriyooday uu mar qura wadada ka baxay, kaasi oo sida la tilmaamay ku socday xawaare sare.

Shilal kala duwan ayaa dhowr jeer oo horey sidaan oo kale uga dhacay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Puntland, waxaana shilalka khasaaraha dhaliyey ay inta badan ka ku yimaadeen gaadiidka oo xawaare sare loo kaxeeyo iyo waddooyinka qaarkood oo burbursan.

Exit mobile version