Shil gaari oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacleh ayaa xalay ka dhacay afaafka laga galo magaalada Qardho ee xigta dhinaca Caasimadda Garoowe, waxaana shilkaas kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.
Shilkaan ayaa waxaa la sheegay inuu ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen laba gaari oo mid uu ahaa nooca raaxada ah, xili ay iskaga horyimideen meel ku dhow Magaalada Qardho ee xigta dhinaca Magaalada Garoowe.
Laba qof ayaa ku geeriyooday shilka halka ay ku dhaawacmeen laba kale sida uu xaqiijiyay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Waddooyinka Puntland Col. Cabdifitaax Siciid Saleebaan (Afrikaan).
Taliyaha Ciidanka Ilaalada Waddooyinka Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay sheegay in weli baaritaan lagu hayo shilkaas oo ka dhacay wadada laamiga ah. Shilalka khasaaraha geystay ayaa kusoo batay maalmihii dambe deegaano ka tirsan Puntland.