HORUFADHI MEDIA |

Sheekh Shariif oo ka digay muddo kororsi ay damacsan yihiin Madaxda DF & DG

Xisbiga Himilo Qaran oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Sheekh Sharif Sh. Axmed ayaa Digniin kasoo saaray qorshe ay madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ay ku doonayaan inay muddo kororsi ku sameeystaan.

War-saxaafadeed kasoo Xisbiga Himilo Qaran ayaa waxaa Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada loogu baaqay inay dhowraan sharciga, kana dheeraadaan muddo kororsi horseedi kara jahwareer iyo qalalaase siyaasadeed.

Sidoo kale Xisbiga Shariifka ayaa sheegay inuu aaminsan yahay heshiiskii siyaasadeed ee lagu gaaray Baydhabo, garwadeenkana uu ka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh ee u dhaxeeyay Madaxweynaha Koofur Galbeed iyo siyaasiyiinta ku mideysnaa Midowga Musharaxiinta uu gogol xaar u yahay muddo kororsi ay damacsan yihiin hoggaanka sare ee dowladda Federaalka.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa caddeeyay inuu aaminsan yahay in dowlad dhiska Soomaaliyeed uu marayo marxalad adag oo u baahan dhowrista heshiisyada bulsho, adkeynta midnimada iyo wadajirka ummada Soomaaliyeed.

Si kastaba Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilligii uu mucaaradka ahaa waxaa uu sheegi jiray inuu diidann yahay in muddo kororsi la sameeysto, balse haatan waxaa uu dabada ka riixayaa qorshe muddo kororsi ay ku sameeysanayaan madaxd DF iyo kuwa maamul Goboleedyada.

Exit mobile version