HORUFADHI MEDIA |

SAWIRRO: Wafdi ka socda Imaaraadka Carabta oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Shakhbout Bin Nahyaan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho

Wasiir-dowle Shakhbout Bin Nahyaan ayaa waxaa Garoonka uga hortegay oo kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno ka tirsan labada Golle ee dowladda Federaalka.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta ayaa Muqdisho u yimid si uu uga qeyb galo caleema-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheikh Maxamuud, isagoo ka wakiil ah Madaxweynaha dowladda Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayed Aala Nabyaan.

Munaasabadd Caleema-saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta oo khamiis ah ka dhaceysa Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho, waxaana aad loo adkeeyay  Caasimadda oo la saaray bandow la xiriira Munaasabadda dhaceysa.

 

Exit mobile version