HORUFADHI MEDIA |

SAWIRRO:-Shirka Golaha Wadatashiga oo Goor dhow ka furmay Muqdisho

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa Maanta oo sabti ah ka furmay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, kaasi oo uu shir guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka oo socon doona muddo labo maalin ah ayaa waxaa looga hadlaya sii amba qaadka Wadashaqeynta Madaxda, si wadajir loogu hirgeliyo qorsheyaasha hortabinta leh ee dhinacyada Amniga, dib-u-eegista dastuurka, doorashooyinka , Garsoorka, Federaalaynta iyo xaaladaha bani’aadanimo sida Abaaraha.

Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta,Madaxda maamulada sida: Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb galaya Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Exit mobile version